Ra’isal Wasaarihii hore ee Itoobiya oo booqasho ku tagey Eritrea, muxuu kala kulmay?

Image

ASMARA- Bil kadib markii Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki heshiis ay ku soo afjareen colaad u dhexeysay muddo 20 sano ah labadooda dal, Ra’isal wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa booqasho ku tagey magalada Asmara.

Hailemariam Desalegn oo la socdey mid kamid ah diyaaridihii Ethiopian Airlines ee ka dagay Asmara markii ugu horeysay ayaa wareysi uu siiyey saxafiyiin ka socdey Wasaarada warfaafinta Eritrea “Shabait” waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay safarka Eritrea uuna kalmado ku soo koobi karin dareenkiisa ku aadan imaanshihiisa dalkaan.

Mar la waydiiyey sida duulimaadyadaan u saameyn doonaan dhaqaalaha iyo dalxiiska labada dal ayuu sheegey Ra’isal wasaarihii hore “ Shirkada diyaaradaha Itoobiya oo ah mida ugu weyn qaarada Afrika duulimaadkeeda Asmara dhowaan lagu kordhin doonta magaalooyinka kale ee Eritrea.” 

“ Duulimaadyada Ethiopian airlines waxay hoos u dhigi doonaan qiimaha ticket- yada kuwasoo dhibaato ku hayey dadka reer Eritrea waxana ay bixin jireen Sadex jibaar  marka la eego sida diyaaradaha la isugu xiro caalamka.” ayuu yiri Hailemariam Desalegn oo la hadlaya wariye-yaal ka tirsan Shabait.

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxa dibada kaga nool boqolaal kun jaaliyado gaaraya  kuwasoo intooda dagan dalalka Yurub iyo Woqooyi America.

Desalegn ayaa sheegey in Ethiopian airlines lumin jirtey 80 million oo dollar sanadkii ineysan kormarin hawada dalka Eritrea ayna noqon doonto sida ugu sahlan in lagu tago dalka Yurub iyo Bariga dhexe in shirkada diyaardaheeda ka duulaan garoomada Eritrea.

Mar uu ka hadlayey sida labada shacab oo muddo colaadi ka dhexeysay la isugu soo dhoweyn karo ayuu RW hore xusey in lasoo wada dhoweeyey talaabadii uu qaadey Abiy Ahmed Ra’isal wasaraha cusub ee Ethiopia iyo booqashadii ka dambeysay Isaias Afwerki uu ku yimid Addis Ababa isagoo ku talo bixiyey in la kordhiyo xiriirada Isboortiga, dhaqanaka iyo ardeyda jaamcadaha oo la is waydaarsado.

” Doorkee ayey qaadaneysaa shirkada diyaardaha Ethiopia, xiriirka dhulka ee dhinaca gadiidka sidee noqnayaa, sidee maalgaliyaasha Eritrea ku tagayaa Ethiopia iyo sidee jaaliyadaha dibada ee labada dal u maalgashanayaan wadamadaan ayaa waxay tahay wax u baahan in la qoraheeyo.” ayuu yiri Hailemariam Desalegn

Shirkada diyaardaha Ethiopia duulimaadkeedii ugu horeeyey waxay keentey Asmara 480 qof kuwasoo 80% ahaayeen ganacsato taasi waxay ku tuseysaa sida maalgashatada Itoobiya diyaar ugu yihiin iney fursado maalgashi ka helaan Eritrea. Ma aha Ethiopia iyo Eritrea kaliya waa in Sudan, Jabuuti, Uganda, Kenya Rwanda kamid noqdaan qorshahaan ayuu hoosta ka xariiqey RW Desalegn. 

RW hore ee Ethiopia oo la waydiiyey kulankii uu la qaatey Madaxweynaha Eritrea ayaa yiri “ Waxaa uu ahaa kulankii ugu horeeyey aan la qaato Madaxweynaha. Mar baan ku arkey Qadar anigoo ah Wasiirka arimaha dibada iyo kaaliyaha Ra’isal wasaaraha. Maanta, markaan wada hadalnay muddo ku dhow Labo saacadood waxaan nahay labo nin isku mid ah. Hadaan fursadaan oo kale heli laheyn mar hore waxaa suurtagal ahaan laheyd in waxbadan aan wada qaban laheyn.”

Waxaan kawada hadalnay sidii horey loogu socon lahaa iyo in barnaamijka dhaqaalaha uu yahay midka kaliya oo labadaan wadan horumar ku gaari karaan. 

Wareysiga Ra’isal wasarahii hore ee Itoobiya Waxaad ka akhrisan kartaa isaga oo ku qoran GO

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM