​Rex Tilleson oo la kulmay Boqorka Sucuudiga

Image
Image

JIDDAH- Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, ayaa maanta booqasho ku tagay waddanka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Jiddah, wuxuuna la kulmay Boqorka dalka Salmaan.

Shir uu la yeeshay hogaanka Sucuudiga iyo qaar kamid ah wasiirrada xulafada uu hogaaminayso xukuumadda Riyaad ee xiriirka u jaray Qadar, ayuu kala hadlay sidii loo soo afmeeri lahaa khilaafka ka taagan waddamada Khaliijka.

Boqor Salmaan iyo Xoghaye Tillerson ayaa isku af-gartay in tallaabooyin wanaagsan horay loo qaadi doono si loo gaaro xal ku saabsan khilaafka ka dhashay eedayntii loo soo jeediyay Qadar ee ku saabsanayd inay taageerto Argagixisada.

Rex Tillerson, ayaa ka hor intuusan tagi Sucuudiga soo maray waddamada Qadar iyo Bahrain, isagoo kala soo hadlay in xaalka la dajiyo.

Maraykanka iyo Qadar ayaa kala saxiixday hishiis ku saabsan in meel looga soo wada jeesto shakhsiyaadka iyo hay'adaha taageera Argagixisada.

Dadaaladaas kadib ayuu usii gudbay Sucuudiga iyo xulafadiisa isagoo raadinayo inuu ka dhaadhiciyo fikirka uu doonayo in lagusoo afmeero khilaafka Carabta.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa la kulmay Wasiirada arrimo dibadeedyada dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo ku sugan magaalada Jeddah.

Kulamadaas ayaa lagusoo waramayaa inay meel wanaagsan marayaan, waloow aan la shaacin natiijada rasmiga ah.

5-tii bishii June, ayay ahayd markii Waddamada, Sucuudiga, Imaaraadka, Masar, Baxrayn iyo Yemen xiriirka u jareen Qadar oo lagu eedeeyay maalgalinta Argagixisada caalamka, waloow arrintaas ay iska fogaysay xukuumadda Doxa.

Qodobo lagu hordhigay Qadar si looga qaado xayiraad lagusoo rogay, ayay ka biyo diiday, iyadoo ku tilmaamtay inay wax u dhimayaan madax-bannaanida dowladda Qadar.

Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeray, waxaana hadda ku dhex-jira Maraykanka oo doodanay inuu xiisada Qaboojiyo.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulamada uu wado.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM