Riek Machar oo xabad joojin ku dhawaaqay

Image

Madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan Riek Machar ayaa ku biiray xabad joojinta uu shalay ku dhawaaqay ninka ay ishayaan ee Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.

Dhowr maalmood ayaa waxaa magaalada Juba ka socday dagaal ay ku dhinteen boqollaal qof. 

Waxa uu kaga dhawaaqay xabad joojinta, intuu socday wareysi uu siinayay cidaadaha gudaha dalkaasi ka hadasha oo lagu magacaabo (Eye radio Juba). 

Afhayeen u hadlay madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay in loo xil saaray inuu Mr Machar kala shaqeeyo meelmarinta heshiiskii nabadda ee sanadkii tagay la saxiixay. 

Asigoo la hadlayay BBC-da, wasiirka warfaafinta ee Koofurta Sudan, Michael Makuei, waxa uu beeniyay hadallada sheegaya in madaxweyna Salva Kiir uu xilliga dagaalka u adeegsaday ciqaabidda mucaaradka. 

Taasi badalkeeda waxa uu ku andacooday in dowladda ay waxkastaa sameysay si qalalaasaha loo joojiyo.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM