Rousseff oo xilka laga qaadayo

Image

Aqalka Senatka Brazil, ayaa u codeeyay in madaxweyne Dilma Rousseff xukunka laga qaado, kaddib dhageysi socday xalay oo dhan oo toos looga daawanayay Tv-ga qaranka.

Konton iyo shan Senator, ayaa taageeray halka ay labo iyo labaatan ka horjeesteen. Mrs Roussef, oo ah haweeneydii ugu horeeysay oo dalka madaxweyne ka noqota, ayaa dhaqso shaqada looga joojinayaa. 

Madaxwyene ku xigeenkeeda, Michel Temer, ayaa jagada madaxweynaha sii hayn doono. 

Mrs Rousseff, ayaa la filayaa in saacado dhow dalka la hadasho. 

Waxaa lagu soo oogi doonaa eedo ay si xooggan u diidan tahay oo ah in ay qarisay inta ay la egtahay waxa ka dhiman miisaaniyadda wadanka. 

Xil ka qaadisteeda, ayaa astaan ah u ah dhamaadka waqti dheer. Xukunka bidixda ee 13ka sano, ayaa malaayiin reer Brazil ah ka saaray faqriga, balse ugu dambeyntii wuxuu wadanka geliyay hoos u dhac dhaqaale oo dheer.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM