​Ruushka oo beeniyay eedaha Maraykanka

Image

Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha uga yimid mukhaabaraadka Mareykanka ee ku saabsanaa inay faragelin ku sameeyeen doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday ee uu ku guuleystay Donald Trump.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Ruushka ay amreen in la jabsado kombiyuutarada xisbiga dimoqraadiga, kadibna la faafiyo sirtooda intii uu socday ololaha doorashada Mareykanka.

 Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymaha kaga yimid dhinaca Mareykanka ku tilmaamay “kuwo aanan sal iyo raad laheyn oo ay si caadifad leh u diyaarisay hey’ad heer sare ah”.

Hadalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee kasoo baxa aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, tan iyo marki ay madaxda sirdoonka Mareykanka Jimcihi hore sheegeen in ay si weyn ugu kalsoon yihiin in madaxweynaha Ruushka uu shakhsiyan isaga amray in la farageliyo doorashadi madaxtinimo ee dhamaadkii sanadkii hore ka dhacday dalkan Mareykanka.

VOA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM