Ruushka oo Faragelin xooggan ku haya Siyaasadda Mareykanka

Image

WASHINGTON - Madaxda hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.

Madaxda hay'adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga aqalka Senate-ka u qaabilsan arimaha sirdoonka oo sannadkiiba mar ka arinsada halista soo waajihi karta Maraykanka.

Agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka, Dan Coats, ayaa sheegay in ujeedada Moscow tahay inay wiiqdo kalsoonida shacabka dalkaasi ku qabaan dimuqraadiyadda Mareykanka.

Bartamihii sanadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in burcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waxdeeda aysan tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay'adda dambi baarista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xiriirka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddiga ololaha Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM