Ruuxaani oo dib loo doortay

Image

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi, sida uu sheegay telefishinka qaranka waddankaasi.

Ayadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay doorashada oo ahaa 40 milyan oo cod, ayaa Ruuxaani waxa uu helay boqolkiiba 56, sidaana waxa uu uga badbaaday wareeg kale.

Ibraahim Raisi oo ah ninka la tartamayay Ruuxaani ayaa sheegay in taageerayaasha madaxweynaha ay falal sharciga ka baxsan ka geysteen goobaha cosbixinta.

Waqtiga codbixinta ayaa shalay muddo 5 saac ah lagu kordhiyay, oo waxa ay goobaha doorashada xirmeen saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii ay dad badan usoo baxeen in ay codkooda dhiibtaan.

Ruuxaani oo 68 jir ah, ayaa ballanqaaday in uu Iiraan ku hogaaminayo aragti dhexdhexaad ah, waxaana uu guushiisa ku xiray ka mira dhalinta heshiiska nukliyeerka ee uu dalkiisa la galay dalalka caalamka ugu taagta roon.

BBC


Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM