​Ruuxii ka dambeeyay Qaraxii Uganada oo la ogaaday

Image

Maxkamad ku taallada waddanka Uganda nin horay u eedaysnaa ku heshay inuu ahaa qofkii soo maleegay qaraxii waddankaasi ka dhacay 2010, iyadoo sidoo kale baaritaan ku wadda 12 ruux oo kale.

Waxaa xusid mudan in billowgii dhagaysiga xukunkan saacado dib loo dhigay maanta kadib markii ay korontadu go'day.

Muddo lix sano ah oo baaritaan la waday ayaa maxkamadda sare ee dalka Uganda, waxay caddaysay in nink lagu magacaabo Cisa Axmed Luyima, uu ahaa ninkii soo agaasimay qaraxyadii ay kooxda Shabaab ku qaaday Kampala.

Xaakiimka maxkmadda,lfonso Owiny-Dollo, ayaa tilmaamay in raggani aan lagu tilmaami karin in ay ka tirsanaayeen urur argagxiso, maadama dawladda Uganda aysan u aqoonsanyn Al-Shabaab in ay tahay urur argagxiso sanaddii 2010-kii.

Waxaa sidoo kale baaritaan xooggan lagu hayaa ilaa 12 kale oo 5 kamid ah kasoo jeedaan Uganda, 5 u dhalatay Kenya iyo 2 asal kasoo jeeda Tansania, waxaana nimankaasi loo malaynayaa inay wax ka malleegeen arrintaasi.

Balse, eedaysanayaasha ayaa ku doodaya, in sirdoonka dalalka Britian iyo Maraykanka jirdileen, waxaase hadalkaasi gaashaanka ku dhufatay maxkmadda dastuuriga ah ee Uganda.

Ammaanka maxkmadda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana hareeraha maxkamadda la dhoobay ciidamada aad u badan.

Dada kor u dhaafaya 70 qof oo daawanaysay cayaartii kama dambaysta ee Koobka Adduunka ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo mas'uuliyadooda sheegatay kooxda Shabaab, waxaana arrintaasi welwel ku abuurtay Somali badan oo dalkaas waxyaabo kala duwan u jooga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM