RW Abiy Axmad oo ka aamin baxay Ilaaladiisii hore

Image

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay hirgeliso ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda dalkaasi oo ay kamid yihiin wasiirada, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha dalkaasi.

Ciidammadan oo loogu magacdray ilaalada Jamhuuriyadda ayaa dhamesytay tababar gaar ah oo loogu diyaariyay sidii saraakiisha sarsare ee dowladda iyo qoysaskooda ay uga difaaci lahaayeen cid walba oo dhibaato la damacsan.

''Ciidammadan waxaa ay qeyb ka yihiin laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya, waxaana ay dhoowri doonaan sareeynta sharciga'' waxaa sidaasi lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Tababarka ciidamada gaarka ah ee Abiy

Ciidankan oo ah milateri si gaar ah u tababaran ayaa loo xil saaray in khatar walba ay ka difaacaan madaxda ugu sareysa Itoobiya.

Waxaa ay lixdii bilood ee la soo dhaafay qaateen tababar dheeraad ah, waxaana haatan loo diyaariyay hub casri ah oo ay ku howlgalaan.

Dhoolatus ay soo bandhigeen ciidankan oo uu ka qeyb galay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen tababarkii ay qaateen iyo qaabka ay ugu diyaarsanyihiin shaqada loo igmaday.

Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay aheyd markii ciidamo gadooday ay gudaha ugu galeen madaxtooyada Itoobiya, kuwaasi oo dalbanayay mushaar kordhin, hasa yeeshe Abiy Axmed oo la kulmay ciidankaasi ayaa jimicsi la sameeyay si uu u dejiyo xaaladda.

Mar uu ka hadlayay barlamaanka dalkiisa ayuu Abiy Axmed waxaa uu sheegay in ciidankaasi ay doonayeen inay dilaan isaga, waxaana markii dambe la xukumay qaar kamid ah ciidammadii sameeyay gadoodka.

Bishii Juun ee isla sannadkan ayay aheyd markii ra'iisul wasaare Abiy uu ka ''badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo'' xili uu ka khudbeenayay goob fagaara ah oo ku taala magaalada Addis ababa.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM