RW Hindiya oo gobolka Kerala ku tilmaamey inuu ka liito Somaliya

Image

Ra'isal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa gobolka Kerala ee wadankaas kala mid dhigey Somaliya taasoo ka careysiisey siyaasiyiinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada ee Internetka.

Modi ayaa maalinamadii Axada ee la soo dhaafey 8 May,2016 goob dadweyne isugu soo baxey ka yiri "tirada dhimashada caruurta yaryarka qaar ka tirsan qabaa'ilka daga gobolka Kerala ka liidato dalka Somaliya".   

Hadalkaan ayaa waxaa caro uga jawabey dadka isticmaala barta Twiter iyagoo qorey kalmada ah #PoMoneModi ( Go Off Modi) halka wasiir ka tirsan xukuumadiisa oo la yiraahdo Oommen Chandy hadalka Modi ku tilmaamey mid xaqiiqda ka fog. 

Gobolka Kerala ayaa waxaa laga qabanayaa doorashooyin 16 May. Modi ayaa raadinaya in xisbigiisa BJP ku guuleysto gobolkaan ku yaala Koonfurta Hindiya kasoo taariikh ahaan ka arimin jireen xisbiga Congress ama axzaab isu tagtey oo dhinaca bidixda ah.

Hadalka Ra'isal wasaaraha Hindiya oo uu ku raadinayey in codka dadka gobolka Kerala ku kasbado ayaa noqdey mid khasaarey sidaas waxaa sheegey siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada kale ee la tartamaya BJP.

Shacabka gobolkaas ayaa aad ugu caroodey in gobolkooda lagu tilmaamo mid wadanka Somaliya lamid ah iyadoo siyaasiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu ka jawaabin hadalka Ra'isal wasaaraha Hindiya.

Ra'isal wasaaraha Ingriiska ayaa isagoo ka warqabin saxaafada dalkiisa ka qabtey hadal uu wadanka Naigeria ku tilmaamayo inuu yahay midka ugu musuqmaasuqa badan caalamka taasoo sababtey in madaxweynaha dalkaas ka dalbado David Cameron in dib loogu soo celiyo lacagaha laga soo dhacey dalka Nigeria kuwaasoo la dhigtey bangiyada UK.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM