​Rwanda: Shir madaxeedka Africa oo ka furmay magalada Kigali

Image

Waxaa maanta magaalada Kigali dalka Rwanda ka furmay shir madaxeedka 27-aad eeMidowga Africa, waxaana la filayaa in looga hadlo arrimo ay kamid tahay colaadda ka taagan waddanka Koonfurta Suudan.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya mas'uuliyiin kasocota 54 dal oo African ah, diblomaasiyiin shisheeye iyo waliba xubno kasocda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo hogaaminayo Xoghaye Ban Ki Moon.

Madashan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo ay kamid tahay baasaboor ay ku midoobaan waddanka Africa, waxaana la sheegay inay qorshahan ogolyihiin ilaa 13 dalka halka kuwa kale kasoo horjeesteen in dalkooda lagu tago fiiso la'aan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dalalka Africa ka codsan doona inay keenaan ciidamo u istaaga ilaalinta amniga shacabka Koonfurta Suudaan.

Wararka ku xeeran shirkan ayaa sheegaya in mudada uu socdo lagu dooran doono hogaan cusub, waxaana haweenayda xilka hadda haysa ee Dlamina Zuma kula loollami doona ilaa saddex murashax.

Somalia waxaa shirkaasi uga qayb galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaasoo shalay gaaray caasumadda waddanka Rwanda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM