Saad Hariri oo ka cabsi qaba inuu shirqool ku dilo Bashaar Al Asad

Image

BEIRUT - Ra'iisul Wasaaraha dalka Lubanaan Saad Hariri ayaa ku eedeeyay dowladda Syria inay maleegayso shirqool la doonayo in isaga lagu dilo, si lamid ah aabihiisa Rafiiq Al Xariiri oo sanadkii 2005 ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Beirut.

Saad Hariri ayaa shaaciyay inuu aad uga cabsi qabo in lagu qaarijiyo gudaha dalkiisa, maadaama dhinacyo badan oo dowladaha Syria iyo Iran ay saameyn weyn ku leeyihiin Siyaasadda iyo militariga Lubnaan, iyagoo taageera Ururka Xisbullaahi.

Isagoo wareysi siinayay Wargeys laga leeyahay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Paris Match, ayuu sheegay Saad Hariri in Madaxweyne Bashaar Al Asad dowladiisa guulaha ay ka gaartay dagaalka dalkaasi ay ku gacan siiyeen Ruushka iyo Iran oo Lubnaan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn.

"Waxaan leeyahay cadow badan, kooxo xagjiriin ah iyo rajiimka Syria oo doonaya inay i qaarijiyaan, waxay igu eedaynayaan inaan faragelin ku hayo dalalka Syria iyo Iran," ayuu yiri Saad Hariri.

Saad Hariri ayaa sheegay in dilkii Aabihiisa Rafiiq Hariri sanadkii 2005 uu ka dambayso dowladda Syria, inkastoo eedayntaasi iska fogeysay xukuumadda Dimishiq.

Rafiiq wuxuu Ra'iisul Ra'iisul Wasaare ka ahaa Lubaan 2000 ilaa 20-kii October 2004 oo uu iscasilay, isagoo sanadkii kuu xigay 2005 lagu dilay qarax gaari.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Todobaadyo kahor iska casilay xilka isagoo ku sugan dalka Sacuudiga November 4, isagoo xilligaasi sheegay in uu u baqay noloshiisa, oo khatar ku jirtay.

Mar la waydiiyay guusha Bashaar Al Asad ka gaarey dagaalka dalkiisa, ayuu ku jawaabay Saad Hariri in guushaasi ay tahay mid ay gaareen Iran iyo Ruushk, oo dowladda Bashaar gacan siinayay tan iyo markii dagaalka uu kuu billowday 2011.

Hariri ayaa ka laabtay Iscasilaadiisa kadib markii uu Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ka codsaday markii uu dib ugu laabtay dalka dalkiisa magaalada Beirut todobaad kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM