Sacuudiga oo xiray Amiirro ku mudaharaaday Madaxtooyada

Image

Sida ay sheegtay Dowladda Sucuudiga, amiirradan aanan magacyadooda la shaacin waxa ay ka cabanayeen laba arrimood.

Waxa aanay ku faraxsanayn inay iyagu iska bixiyaan kharashaadka ay ku isticmaaleen biyaha iyo korontada taas oo qeyb ka ah barnaamijka gunti-iskugiijiska ah.

Qorshahan waxaa soo hindisay dhaxal sugaha da'da yare ee leh hammiga dheer ee Maxamed Bin Salmaan.

Waxa ay dalbadeen in magdhaw laga siiyo wiil ay ilma adeer yihiin oo la dilay laba sanno ka hor.

Markii ay diideen inay qasriga madaxtooyada ka baxaanna waa la xiray oo hadda waxay sugayeen maxkamad.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo.

In lagu xiray xabsi si weyn loo ilaalinayo ayaa waxay wax badan ka duwan tahay habka loola dhaqmay ku dhawaad laba boqol oo amiir,

Saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan iyo ganacsato ayaa bishii Novembar ee la soo dhaafay lagu xiray hotel lagu raaxaysto

Arrintaas oo qeyb ka ah waxa loo soo bandhigay inay tahay olole ka dhan ah musuqmaasuqa.

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM