Afar Waddan oo xiriirka u jaray Qadar {Akhriso}

Image

DOHA, Qatar- Dalalka Saudi Arabia, Imaaraadka, Egypt, Bahrain iyo Yemen, ayaa sheegay inay xiriirkii diblomaasiyadeed ay u jareen dalka Qatar, kadib war-midaysan oo lagu shaaciyay wakaaladda wararka Saudi-ga Isniintii.

Tallaabadan ayaa dalalkaas sheegeen inay u gaareen si loo ilaaliyo waxay ugu yeen ammaanka qaranka.

Warka Wakaaladdu sii daysay ayaa lagu dhaliilay dalka Qadar iyadoo lagu eedeeyay inay taageerto Argagixisada islamarkaana gobolka ay ka wado xasilooni darro amni.

Waddamada saddexda ah ee ku jira dalalka ku midaysan Khaliijka ayaa Dimlomaasiyiinta, kuwa booqashada ku jooga iyo kuwa dagganba ee kasoo jeeda dalkaas u qabtay inay muddo Labo asbuuc ah u qabtay inay uga baxaan.

Saudi-ga ayaa sidoo kale xiray xuduudahiisa badda, dhulka iyo barriga, wuxuuna bahwadaagtiisa kula jirta qorshahan ugu baaqay inay sameeyaan tallaabadaas oo kale.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Qadar oo ka hadlaysay go’aanka ayaa ku sifeysay wax laga qoomameeyo go’aanka ay waddamadaas carbeed qaadeen islamarkaana aan cadaaladda ku salaysnayn.

“Tallaabadan waa caddaalad darro, eedaha lasoo jeedinayo dhammaantoodna malahan sal iyo raad toona.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Qadar kaasoo intaas ku darayay “Ma saamayn doono tallaabadan nolosha caadiga ah ee muwaadiniinteena iyo dadka nala dagan intaba”.

“Ujeedka waa cadyahay, tani waxat carqaladaynaysaa madax bannaanida Qadar,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda Bahrayn.

Sidoo kale wasaaradda Arrimaha Dibadda Bahrain, ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeen in dhammaan dibloomasiyiinta ku sugan Doha ay kusoo baxaan muddo 48 saac ah, halka siyaasiyiinta reer Qadar ay ku tagaan isla waqtigaas.

Dalka Masar ayaa sidoo kale xiray hawadiisa, wuxuuna joojiyay dhammaan socdaaladii uga imaanayay dalka Qadar.

Sidoo kale waxaa goor dambe maanta ku biirtay tallaabadaas xiriirka loogu jarayo Qadar waddanka Yemen oo muddooyinkii dambe ka taagnayd Qalalaaso siyaasadeed iyo amni darro.

Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaan dalkooda ka mamnuucay Telefishinka Al-Jazeera, kaddib markii wakaalada wararka ee Qadar ay baahisay war ah in Amiirka xukuumadda Doha uu taageeray Iiraan, inkastoo markii dambe dowladdu beenisay.

Dalka Somalia ayaa xiriir siyaasadeed la leh dhammaan dalalka khilaafku ka dhex-dhashay, waxaana Madaxweyne Farmaajo booqday doorashadiisii kadib dalalka Saudi-ga, Imaaraadka iyo Qadar.Lama oga inuu saamayn doono tallaabadan iyo in kale.

Maraykanka oo ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee Waddamada Khaliijka

Xoghayaha dowladda ee dalka Maraykanka Rex Tillerson, ayaa ugu baaqay waddamada Saudi-ga iyo Qadar inay dajiyaan xiisadda islamarkaana ilaaliyaan midnimada ka dhaxaysa, isagoo ka codsaday inay wadahadal ku xalliyaan mugdiga soo kala dhex galay.

“Waxaan ku dhiirigalinaynaa dhinacyadaas inay dajiyaan xiisadda oo ay wajahaan waxyaabaha keenay khilaafka iyagoo u maraya qaab wadahadal ah,” Ayuu yiri Tillersoon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

  • Caalamka

    27-11-2024

  • 11:49AM

Mareykanka oo difaacay mowqifkiisa dacwada laga gudbiyay hogaanka Yahuuda

Washington ayaa sheegtay in aysan isku dhigmin kiiska laga gudbiyay Yahuuda iyo midka ka dhanka ah Ruushka.

  • Caalamka

    26-11-2024

  • 04:13AM