Safiir: UAE waxaa ka go'an ilaalinta midnimadda Soomaaliya

Image

BRUSSELS - Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Belgium, Midowga Yurub iyo dalka Luxembourg, Maxamed Ciise Al Suweidi, ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay go'an tahay ilaalinta midnimadda, xasiloonida, iyo amaanka dalka Soomaaliya.

Wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaaladda Baydhabo bishii June ee sanadkaan ku kala saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka, iyo maamul goboleedyadda, kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo wadashaqeynta dhinacyadda.

"Imaaraadka wuxuu soo dhawaynayaa heshiiska siyaasadeed ee bishii June ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobobleedyadda, waxaana ugu baaqaynaa inay sii wadaan wadashaqaynta," ayuu Safiirka raaciyay hadalkiisa .

Al Suweidi, ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda Abu Dubia ay ka go'an tahay inay sii laba jibaarto taageeradda dhinac walba ah oo ay siiso Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaaladda Beesha caalamku ay wadaan ee ku aadan dib u dhiska dalka.

Wuxuu uga digay xukuumadda Muqdisho, dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya iyo kuwa gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka inay ka shaqeeyaan wax walba oo abuuri kara khilaaf iyo dibin-daabo siyaasadeed.

"Waxaan ku boorrinaynaa dalalka gobolka iyo kuwa caalamka iyo sidoo kale dawladda dhexe ee Soomaaliya inay ka fogaato xeeladaha la raadinayo ee abuuri kara kala qeybsanaanta iyo khilaafka," ayuu xusay Al Suweida.

Hadalkaan ayuu Safiirka ka sheegay shirkii arrimaha Soomaaliya ee Brassels, kaasoo laga soo saarey qodobo nuxurka ugu wayn ahaa in Soomaaliya laga taageerayo dhinacyada amniga, dib usoo kabashada iyo kobaca dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM