Sagaal ku dhimatey gaari lagu jiirsiiyey suuq ku yaal magaalada Berlin

Image

Sagaal qof ayaa ku dhintay ilaa konton kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad jooga suuq Chrismas-ka ee magaalada Berlin, sida uu sheegay boliiska.

Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inuu ahaa weerar loogu tala galay.

Darawalkii gaariga ayaa la xiray sida ay sheegayaan warfaafinta qaar.

Video muujinaya goobta ayaa laga arkayaa dad dhaawac ah oo dhulka yaala iyo meelihii alaabada lagu iibinayay oo burburay.

Suuqa ayaa ku yaala Breitscheidplatz, oo u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm ee Kurfuerstendamm ee galbeedka Berlin.

Wariye u soo warama Berliner Morgenpost, ayaa ku tilmaamay waxa uu arkay wax aad u xun.

Weerarka ayaa dadka soo xasuusiyay weerakii gaariga loo isticmaalay ee ka dhacay magaalada Nice ee Faransiiska, maalintii xornimada ee Bastille Day oo dadka ay u dabaaldagayeen 14 July.

Weerarka oo ay ku dhinteen 86 qof, waxaa sheegatay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.
BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM