Sarkaal Mareykan ah oo been u sheegay FBI-da

Image

WASHINGTON - Ku xigeenkii hore ee madaxa ololihii doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiis la galay baarayaasha Mareykanka ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu saameyn ku yeeshay natiijadii doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii 2016.

Rick Gates ayaa hadda qirtay in uu been u sheegay baaraayaasha FBI-da iyo in uu qeyb ka ahaa shirqool.

Warbaahinta ayaa sheegtay in qiraalkaasi kaddib Gates laga cafiyay dambiyo kale oo loo haystay oo ay ka mid ahaayeen in uu khiyaanay bangi iyo in lacago uu si sharcidarro ah ku kala gudbiyay.

Dacwad oogaha khaaska ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragelin la sheegay in Ruushku uu ku sameeyay doorashadii Trump uu ku soo baxay ayaa sidoo kale dacwad ku soo oogay Paul Manafort oo kal hore madax u ahaa Gates, waxaana ninkan lagu eedeynayaa in uu si qarsoodi ah dhaqaalo u siiyay siyaasiin reer Yurub ah oo si ay ugu ololeeyaan dowladdii Ukraine ee u janjeertay dhanka Ruushka.

Ilaa hadda Gates iyo Manafort si dhab ah looguma eedeyn in ay si toos ah ugu lug lahaayeen faragelinta la sheegay in Ruushku uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM