Sean Parker oo Sheegey Waxyeelada Facbook U Leeyahay Bini'aadanka

Image
  • Madaxii Facebook Sean Parker, ayaa aad u dhaliiley baraha bulshada, isagoo ku eedeeyey sida ay uga faa'ideysato bini'aadanka nuglaanshihiisa."
  • "Ilaahey ayaa og dhibka ay maskaxda caruurtayada u gaysaneyso" ayuu yiri
  • Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli dadkii kasoo shaqeeyey abuurista baraha bulshada sheegayaan sida badeecadaan waxyeelada ugu gaysato bini'aadanka

Sean Parker, Madaxweynihii ugu horeeyey ay yeelato shirkada Facebook, waxaa uu digniin culus ka sheegey baraha bulshada: " Ilaahey baa uun og waxaa uu ku sameynayo maskaxda caruurteena."

Isagoo la hadlaya website-ka Axios, ayaa ninkaan ganacsadaha ah waxaa uu si furan uga hadlay sida uu u arko khatarta baraha bulshada iyo sida ay uga faa'ideysanayaan nuglaanshaha bini'aadanka.

"Fikirka galey in la dhiso aladahaan, Facebook waxaa uu ahaa midkii ugu horeeyey...intaas kaliya ayey aheyd; " Sida aan u isticmaalo sida uga badan waqtigaaga iyo in aan kaa qaadno dareenka miyirka ayey aheyd fikirka howshaan ku bilaabatey."ayuu yiri Parker, oo ku biirey facebook 2004, markaas oo ay shirkadaan shaqeyneysay wax Hal sano ka yar.

" Taas macnaheedu waxaa weeye in hadba inyar aan siino maskaxdaada oo farxad ah, taasoo imaaneysa marka qof uu jeclaado sheekada aad ku qorto Facebook ama sawir aad soo dhigto darbigaaga iyo wax walba aad dhigto," ayuu u sheegey webka Axios. "

"Shaqsiyaadka sameeyey- aniga, Mark[Zuckerberg], Kevin Systrom oo gacanta ku haya Instagram, dadkaas oo dhan- aad ayey u fahansan yihiin waxa socda." ayuu yiri " Waan sameyney si kastaba ha ahaato.

Facebook kama jawaabin hadalka Sean parker.

Parker ma aha ninka kaliya oo kamid ah dadka abuurey barahaan kana welwelsan saameynta ay bini'aadanka ku yeelatey farsamadaan, Tristan Harris, oo shaqaale ka ahaa Google ayaa ka hadlay sida shirkadahaan uu xadaan maskaxda bini'aadanka.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM