Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Aqalka Sare [Senate] Mareykanka ayaa insixiyay Safiirka cusub ee Madaxweyne Trump usoo magacaabey dhawaan dalka Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Donald Yamamoto.

Donald Yamamoto, oo ah danjire rug-cadaa ah, oo in badan kasoo shaqeeyay dalal ku yaalla Africa, oo Mareykanka safiir uga soo noday ayaa waxaa la filayaa inuu dhawaan yimaado Safaaradda dalkiisa ku leeyahay Muqdisho, oo ku taalla gudaha Xerada Xalane.

Safiirka cusub ayaa la magacaabey bishii July ee sanadkan kadib markii uu is-casilay September 2017 Stephen Michael Schwartz oo xafiiska joogay tan iyo July 2016.

Donald Yamamoto ayaa soo noqday Safiirka Mareykanka ee Ethiopia intii u dhaxeysay 2006 iyo 2009, waxa uu mudadaasi kahor soo ahaa safiirka Washington u joogay Djibouti laga soo billaabo 2000 illaa 2003.

Dowladda Mareykanka ayaa xiriirkeeda diblumaasiysadeed ee Soomaaliya dib usoo celisay 2014, markii ugu horeysay mudo 25 sano ah oo kasoo wareegatay markii uu xirtay Safaaradeeda Muqdisho markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

Washington ayaa kamid ah dowaldaha taageerada siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo Mareykanka dalka ay ka joogaan ciidamo gaar ah, oo fuliya howlgallada duqeymaha ah ee lagu beegsanayo hogaamiyayaasha Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM