Senator John McCain oo geeriyooday [Maxaa lagu xasuusta]

Image

WASHINGTON - Senator John McCain, oo katirsan Senate-ka Mareykanka ayaa geeriyoodey isagoo 81 jir ah, kadib mudo uu la xanuunsaaa cudurka Cancer-ka oo kaga dhacay Maskaxda [Brain Cancer].

John McCain, oo laga soo doortey gobolka Arizona, ayaa mudo 30 sano ah kasoo mid ahaa Senate-ka dalka Mareykanka, waxaana uu sanadkii 2008 u tartamay xilka Madaxweynaha.

Xafiiskiisa ayaa xaqiijiyay inuu Senator-ka ka huleelay dunida xalay oo sabti ahayd.

Bishii July ee 2017, ayay dhaqaatiirta John McCain shaaca ka qaadeen in Senetor-ka laga helay xanuunka dilaagga ah ee Cancer-ka, kaasoo ugu dambeyn u geeriyoodey.

Wuxuu kamid ahaa John McCain Ciidamadii Mareykanka ee kasoo dagaalamay dalka Vietnam, isagoo noqday maxbuus dagaal oo mudo 5 sano, oo uu kusoo qaatey Vietnam.

Cindy McCain, oo ah marwada usoo dhaxday John McCain ayaa Twitter-ka kusoo qortay in ay ka naxdey geerida seygeeda oo 38 sano soo wada jireen.

McCain oo kamid ahaa xisbiga haya talada Mareykanka ee Jamhuuriga, ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa geesi dagaalkii Vietnam 1955-1975 iyo inuu ahaa siyaasi si weyn u taageera Israel.

Wuxuu kasoo horjeeday Iran, waxa uu taageeray duulaankii Mareykanka ee Iraq 2003, isagoo si kulul ugu cambaareeyay Obama inuu ka gaabiyay inuu farageliyo maamulkiisa dagaalka dalka Syria.

Madaxweyne Trump, ninkii isaga xilka uga horeeyay ee Barack Obama iyo mas'uuliyiin kale oo Mareykanka ah ayaa ka tacsiyadeeyay geerida McCain. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM