Shabakadaha Internet-ka Daacish oo la weeraray

Image

Booliska midowga Yurub ee Europol ayaa sheegay in uu gaadhsiiyey nabar aanay ka soo waaqsan karin kartidii borobagaandada kooxda la baxday Dawladda Islaamka, oo ay u suurto gashay in hawl gal dhanka internet-ka ah oo ka socday sideed wadan taageerana ka helayey laamaha nabad sugidda ee Maraykanka.

Taliyaha Europol ayaa sheegay in hawlgalkii ugu dambeeyey ee todobaadkan oo uu hormuud ka ahaa dalka Belguimka gabi ahaan ba lagu xidhay wakaaladdii wararka ee kooxdaas oo lagu magacaabo Acmaaq, halkaas oo ay kooxdu ku faafin jirtay weerrada ay fuliso iyo sheegashada qaraxyada kale duwan ee hawl wadeenadeedu fuliyaan.

Hawlgalkan dhanka internet-ka ah ee lagu qaaday kooxda la baxday Dawladda Islaamku wuxu ahaa mid farsamo ahaan adag, waxaana ka wada shaqaynayey booliska dhawr dal oo doonayey in ay xakameeyaan fariimaha kooxdaasi ku baahiso internet-ka waxaana ka qayb qaatay booliska wadadma Inigiriiska, Belguimka, Bulgaria iyo Maraykanka.

Taliyaha booliska midowga Yurub ee Europol, Rob Wainwright, ayaa sheegay in hawl galkan la qaaday ka dib markii muddo sanado ah ay xog mukhaabaraad boolisku ururinayeen, ka dibna ay u suurto gashay in ay wiiqaan kartidii kooxda Daacish ee ku duufsan jirta dhalinyarada.

Waxa kale oo uu sheegay maadaama oo dagaalkii fool ka foolka ahaa lagaga adkaaday kooxdaas, waxa haddana dhabar jab kale ku noqotay in xaggii internet-ka ee ay borobagaandada ku faafin jirtay lagaga gacan sarreeyo oo shabakadaheedii internet-ka la xidhay, waxaanu intaa ku daray in uu filayo in dhawaan dad arrimahaa lagu tuhunsanyahay la xidh xidhi doono.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM