Shacabka Burundi oo u codeynaya Afti mudada ku korarsanayo Nkurunziza

Image
Image

Shacabka dalka Burundi ayaa waxay maanta ka qayb-qaadan doonan coddeynta Afti-dadwayne taasoo uu doonayo Madaxweyne Pierre Nkurunziza inuu wax ka bedal uu ku sameeyo qodob kamid ah Dastuurka dalkaas.

Qodobkaan oo ah muda xileedka uu xafiiska sii joogayo Madaxweynaha ayaa hadii ay Shacabku u codeeyaan “Haa” wuxuu talada dalka sii hayn doonaa illaa iyo sanadka 2034, taasoo qolyaha mucaaradka ay kasoo horjeedaan.

Mucaaradka ayaa waxay ku doodayaan in Nkurunziza uu doonayo inuu xilka iska sii hayo, iyagoona ku goodiyay in natiijadda kasoo baxda Aftida ay gabi ahaanba Qaadici doonan, sababtuna waxay ku sheegeen inuu doonayo Madaxweyne inuu codadka ku shubto.

Aftidaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo dalka guud ahaan ay ka jirto xiisada salka ku haysa arrintaan, islamarkaana lagu dilay maalmo ka hor qeyb kamid ah dalka in ka badan 20 qofood, kuwaasoo aan wali la caddeyn cida Khaarijisay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada dalka Burundi, iyadoona ka digtay inay faraha kasii baxdo xaalada, islamarkaana ay hor-seedo dagaal sokooye oo ka dhaca dalkaan ku yaala Bariga Afrika.

Burundi oo ah dal aan Bad lahayn ayaa waxaa mudooyinkii dambe xaaladiisu ahayd mid kacsan, tan iyo markii uu Madaxweyne Nkurunziza bilaabay olalale uu doonayo inuu xilka kusii hayo, taasoo keentay in dad badan la dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM