Shacabka Turkiga u dareeraya Afti dadweyne

Image

ANKARA, Turkey- Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeraya afti dadweyne oo ku aadan inay u codeeyaan isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas, si awood loo siiyo Madaxweynaha.

Dadka reer Turkey ayaa laga doonayaa inay u codeeyaan Haa, taasoo ogolaanaysa in Madaxweynaha uu noqdo qofka maamulka gacanta ku haya islamarkaana laga guuro nidaamka Jamhuuriga oo loo gudbo Madaxtooyo.

Madaxweynaha Dalka Edogan ayaa isagoo la hadlaya taageerayaashiisa wuxuu ka codsaday inay isbadalka u codeeyaan, si looga hortago dhibaatooyinka kusoo wajahan dalkaas.

“Walaalyaal aftidan ma ahan afti caadi ah, waa waqti muhiim ah, waxaanu sameyneynaa isbadal aad muhiim u ah. Calankeena cidna ma wasakheyn karto," Sidaas waxaa yiri madaxweyne Erdogan.

Tallaabadan waxaa kasoo horjeeda Mucaaradka dalkaas oo ka digaya in awooda gacanta loo galiyo shakhsi kaliya, waxayna dhigeen bannaanbaxyo ay arrintaas ugasoo horjeedaan.

Hadii shacabka Turkigu u codeeyaan HAA, waxay noqonaysaa in la bur-buriyo jagada Ra’isal wasaaraha oo badalkeeda la sameeyo Madaxweyne ku-xigeen.

Qorshaha uu wado Erdogan waxaa aad u diiday dalalka reer Galbeedka oo ku doodaya inaan la afduubin rabitaanka shacabka.

Balse Madaxweynuhu Wuxuu  ku dooday  inaan wax isbedel ah lagu samayn doonin dhidibada ay ku taagan tahay jamhuuriyaddii turkiga ee uu asaasay Mustafa Kemal Ataturk 1923dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM