Shacabka Zimbabwe oo u dabaal-dagaya Iscasilaadii Robert Mugabe

Image
Image

HARARE - Shacabka Zimbabwe ayaa isagu soo baxay wadooyinka magaalada Harare, ee caasimadda dalkaasi kadib markii ay maqleen inuu is-casilay Madaxweyne Robert Mugabe oo mudo 37 sano soo xukumayay.

Mugabe ayaa iscasilaadiisa ku shaaciyay Warqad uu qoray laga aqriyay Baarlamaanka, taasi oo u qornayd sidan: “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Afhayeenka Baarlamaanka Zimbabwe Jacob Mudenda ayaa kahor aqriyay Baarlamaanka Warqadda Iscasilaaddii Robert Mugabe, taasi oo ahayd mid lama filaan ah, oo soo baxday xilli uu socday mooshin kalsooni kala noqosho ah isaga ka dhan ah.

Markii uu soo ifbaxay warkan ah inuu Iscasilay Kaligii-taliye Rober Mugabe, Dabaaldegyo ayaa ka billowday xarunta baarlamanka, wadooyinka Haraare iyo guud ahaan dalka Zimbabwe oo aad ugu farxay tagista Madaxweynaha.

Xildhibaanada ayaa xarunta Baarlamanka u joogay Maanta inay mooshin xilka uga qaadayaan Mugabe oo 93 jir ah u codeeyaan. Mugabe ayaa Zimbabwe soo xukumayey mudo 37 sano tan iyo 1980.

Tan iyo Toddobaadkii tagey Mugabe ayaa wajahayay cadaadis ku saabsan inuu iscasilo, kadib markii milatariga ay la wareegeen xarumaha dowladeed ee ugu muhiimsan, islamarkaana xisbigiisa ZANU-PF ka qaadeey Xilkii gudoomiyenimada, iyagoo ugu baaqayeen inuu iscasilo.

Reer Zimbabwe waxaa ka tagey Madaxweynihii waligood tan iyo xuriyadooda garanayeen, Robert Mugabe, oo awoodda mudo isku dhejinayay, taasi oo keentay in qaranka oo dhanka kasoo horjeesto.

Beesha caalamka ayaa soo dhawaayay isbedelka ka dhacay Zimbabwe oo ay ku tilmaameen fursad shacabka dalkaasi ku dooran karaan hogaamiye u horseedi kara horumar, sinaan iyo cadaalad buuxda.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM