​Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo lagu weeraray Liibiya

Image

Kolonyo gawaari ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, ayadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaarida la socday.

Shaqaalaha ayaa isugu jiray afar ajaanib ah iyo saddex Liibiyaan ah, waxaana ay qeyb ka ahaayeen koox ka tirsan xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay kuwaasoo booqanayay muhaajiriin lagu hayo xabsiyo ku yaal magaaladaasi.

Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa markii dambe shaqaalaha Qaramada Midoobay ku wareejisay boolis maxalli ah oo deegaankaasi ka shaqeeya.

Dableyda shaqaalaha qafaalatay ayaan wax shuruud ah ku xirin sii deyntooda, waxaana la filayaa in howlwadeennadaasi Qaramada Midoobay dib loogu celiyo caasimadda Tripoli.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid muujinaya amni darrada ay Liibiya ku wajahayaan hay'adaha caalamiga ah ee doonaya in ay ka shaqeeyaan dalkaasi.

Inta badan safaaradaha shisheeye iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa isaga baxay Liibiya sanadkii 2014, xilligaasi oo uu dagaal culus Tripoli ku dhex maray maleeshiyaad uu loolan ka dhexeeyo.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM