Sheekh caan ah oo ka digay guurka haweenka badan ee la kulmiyo

Image

Imaamka ugu sarreeya jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Masar ee Al-Azhar ayaa sheegay in guurka haweenka badan uu "Caddaalad darro ku noqon karo dumarka iyo carruurta".

Sheekh Axmed al-Tayeb oo ah mas'uulka ugu sarreeya dariiqada Sunniga ayaa sheegay in badanaa guursiga haweenka badan ee la isla kulmiyo, oo dabcan ku eg ilaa 4, ay sabab u tahay "Khalad laga fahmay ayaadda qur'aanka ah ee qodobkaas ku saabsan".

Hadalkan ayuu sheekhu ku shaaciyay barnaamij isbuucle ah oo uu Telefishinka ku leeyahay iyo barta Twitterka.

Hase yeeshee, ka dib markii uu muran badan dhaliyay dhawaaqa kasoo yeedhay Sheekh Axmed, maamulka Jaamacadda Al-Azhar ayaa caddeeyay in Sheekha ujeeddadiisu aysan ahayn in la mamnuuco isla guursashada haweenka badan.

Wuxuu Sheekh Axmed al-Tayeb mar kale ku celiyay in guursashada 1 dumar ah ay tahay sharciga guud, balse in dumar hal ka badan la isla guursado ay tahay qodob gooni ah oo ay shuruudo ku xidhan yihiin.

"Dadka dhaha in haween badan la isla guursado waa qodob waajib ah, kulligood way khaldan yihiin", ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: "Qur'aanku wuxuu qeexayaa in ninka musliminka ah ay waajib ku tahay inuu shuruudo dhowr ah oo dhanka caddaaladda ah kasoo baxo marka uu rabo inuu xaasas dhowr ah yeesho, haddii aysan caddaalad meesha jirinna waa mamnuuc in xaasas badan la yeesho".

Sheekh al-Tayeb ayaa sidoo kale aad u boorriyay in la wanaajiyo habka loo wajaho arrimaha ku saabsan dumarka.

"Haweenku waxay matalaan kala bar ka mid ah bulshada. Haddii aan mudnaan siin weyno waxay la mid tahay innagoo hal lug oo kaliya ku soconayno oo kale", ayuu ku yidhi qoraalkiisa barta Twitter-ka.

Golaha qaran ee haweenka dalka Masar ayaa soo dhaweeyay hadalka Sheekha.

"Diinta islaamku waxay sharaf u yeeshay dumarka, waxay u keentay caddaalad iyo xuquuq wanaagsan oo aysan horay u heysanin", ayey tidhi Maya Morsi, oo ah guddoomiyaha Golaha qaran ee haweenka dalka Masar.

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM