​Shiinaha oo fidinayafaragelinta uu dunida ku leeyahay

Image

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda la socota xiisadaha dunida ka dhaca ee International Crisis Group, ayaa sheegtay in fara gelinta Shiinaha ee dalka South Sudan ay muujinayso in Shiinuhu door weyn ku yeelan doono mustaqbalka gobolka Bariga Afrika iyo wadamo kale oo ku yaal qaaradda Afrika.

Hay'aduu waxay sheegtay in xukuumadda Beijing ay bedelayso siyaasadeedii hore ee ahayd in aanay faraha la gelin arimaha gudaha ee dalalka shisheeye.

International Crisis Group waxay sheegtay in, inkastoo faragelinta Shiinuhu tahay mid uu danihiisa ku ilaaliyo, uu haddana Shiinuhu isku dayeyo inuu gacan ku yeesho jaangoynta habdhaqanka siyaasadda dunida.

Colaadda ka aloosan South Sudan tan iyo 2013-kii ayaa carisay in Beijin faraha la gasho xiisadda dalkaa ka taagan si ay u ilaashato mashaariicda maalgalineed ee ay dalkaa ku leedahay isla markaana u taageerto wadahadallada nabadeed gargaar bani'aadamnimona gaadhsiiso dadka u baahan.

Dawladda Shiinuhu waxay ammaan kaga heshay shacabkeeda tallaabooyinkii ay qaaday ee badbaadinta iyo daad guraynta ahaa ee ay ku badbaadisay muwaadiniinteedii ku sugnaa South Sudan iyo Liibiya markii dagaaladu ka bilaabmeen.

Dismaha saldhigga milatari ee Shiinuhu ka samaysanayo Djibouti, ayaa isna muujinaya sida ay Shiinaha uga go'antahay inuu ilaashado danaha uu ku leeyahay dunida daafaheeda.

Warbixinta Crisis Group waxay tilmaantay in Beijin u argto in ay farogeliso dal shisheeye oo qalalaasaha kataagani saamayn heer gobol ah yeelan kartaa tahay mid sharci noqon karta hadii ay Qaramada Midoobay iyo shacabka dalkeedu labaduba taageeraan oo keliya.

Warbixintu waxay sheegtay saamaynta Shiinuhu dunida kuleeyahay kordhayso, haseyeeshee ay saamayntaa hagayaan aqoon iyo waayo aragnimo diblomaasiyadeed.

BBC

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM