​Shiinaha oo fidinayafaragelinta uu dunida ku leeyahay

Image

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda la socota xiisadaha dunida ka dhaca ee International Crisis Group, ayaa sheegtay in fara gelinta Shiinaha ee dalka South Sudan ay muujinayso in Shiinuhu door weyn ku yeelan doono mustaqbalka gobolka Bariga Afrika iyo wadamo kale oo ku yaal qaaradda Afrika.

Hay'aduu waxay sheegtay in xukuumadda Beijing ay bedelayso siyaasadeedii hore ee ahayd in aanay faraha la gelin arimaha gudaha ee dalalka shisheeye.

International Crisis Group waxay sheegtay in, inkastoo faragelinta Shiinuhu tahay mid uu danihiisa ku ilaaliyo, uu haddana Shiinuhu isku dayeyo inuu gacan ku yeesho jaangoynta habdhaqanka siyaasadda dunida.

Colaadda ka aloosan South Sudan tan iyo 2013-kii ayaa carisay in Beijin faraha la gasho xiisadda dalkaa ka taagan si ay u ilaashato mashaariicda maalgalineed ee ay dalkaa ku leedahay isla markaana u taageerto wadahadallada nabadeed gargaar bani'aadamnimona gaadhsiiso dadka u baahan.

Dawladda Shiinuhu waxay ammaan kaga heshay shacabkeeda tallaabooyinkii ay qaaday ee badbaadinta iyo daad guraynta ahaa ee ay ku badbaadisay muwaadiniinteedii ku sugnaa South Sudan iyo Liibiya markii dagaaladu ka bilaabmeen.

Dismaha saldhigga milatari ee Shiinuhu ka samaysanayo Djibouti, ayaa isna muujinaya sida ay Shiinaha uga go'antahay inuu ilaashado danaha uu ku leeyahay dunida daafaheeda.

Warbixinta Crisis Group waxay tilmaantay in Beijin u argto in ay farogeliso dal shisheeye oo qalalaasaha kataagani saamayn heer gobol ah yeelan kartaa tahay mid sharci noqon karta hadii ay Qaramada Midoobay iyo shacabka dalkeedu labaduba taageeraan oo keliya.

Warbixintu waxay sheegtay saamaynta Shiinuhu dunida kuleeyahay kordhayso, haseyeeshee ay saamayntaa hagayaan aqoon iyo waayo aragnimo diblomaasiyadeed.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM