​Shir madaxeedka Afrika iyo Japan oo furmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya ka furmay shir madaxeedka Afrika iyo Japan kaasoo diiradda lagu saari doono dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna socon doonaan muddo labo maalmood ah.

Ra'isal wasaaraha Japan oo ay weheliyaan 75 kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalkaas iyo madaxda Afrika ayaa kulanka kasoo qayb galay.

Ra'iisal-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa ballan qaaday in uu qaaradda Afrika gelin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli waayadii dambe sare u kac ku yimi Ahmiyadda Japan siinayso qaaradda iyadoo ay soo baxayeen maalgashiyo kala duwan oo uu ka sameeyay waddamada qaaradda qaybtood.

Waxaa dhinaca kale bar-bar socda loollan ay wadaan waddamada Shiinaha iyo Turkiga..

Shiinaha ayaa badeecooyin kala duwan usoo iib geeya gobolka wuxuuna ballan qaaday inuu tayadooda haagaajin doono.

Gabagabada shirkan ayaa laga soo saari doona waxyaabo dhinacyadu ku hishiiyeen.

Waa markii ugu horreysay oo kullankan lagu qabto meel ka baxsan Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM