Shirkadda P&O Ports oo war kasoo saartey dilka ninkii madaxda uga ahaa Dekadda Boosaaso

Image

DUBAI - Shirkada P&O ee hoostagta DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in weerar shalay ka dhacay Boosaaso looga dilay wakiilkii u qaabilsanaa Dekadda ku taalla magaalada ganacsiga Puntland.

Weerarka lagu khaarijiyay Paul Anthony Fermosa oo ay fuliyeen labo ruux - mid isla goobta lagu toogtay iyo mid kale oo dhaawac ahaan loo dhigay Isbitaal balse dib ka dhintay - ayaa ka dhacay qaybta Kalluunka Nad Fash-ka ee gudaha dekada.

Sida laga soo xigtay war saxaafadeed ay shirkadu soo saartay, si lamid ah weerarka waxaa looga dhaawacay saddex kale oo shaqaalaheeda kamid ahaa oo uu ku jiro ku xigeenka Paul oo u dhashay Hindiya.

"Paul waxa uu ahaa shaqaale howl-kar ah, maskax furan, ayna jeclaayeen saaxiiadiisa," ayuu yiri madaxa fulinta P&O, Alex Montebello, kaasi oo raaciyay "Aad ayaan uga naxnay geeridiisa, dareenkeena wuxuu la jiraa qoyskiisa".

Ururka Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay mas'uuliyada falkaan, sida ay ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka, iyaga oo ku eedeeyay shirkada DP World inay qabsaneyso dekadaha Somalia.

Si lamid ah, Shabaab ayaa ku eedaysay Paul Anthony Fermosa inuu "qaab aan sharci ahayn" ugu sugnaa dalka.

"Waanu u dignay isaga, balse waa uu ka dhaga fureystay," ayaa lagu yiri bayaanka ay ku sheegtay weerarka.

Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa maamula qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya, oo uu si lamid ah xoojinayo joogitaankiisa ciidan iyo ganacsi ee gobolka, wallow xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho uu mad-madow soo galay sanadkii 2017-kii.

Al-Shabaab oo kasoo ban-baxday Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dalka ayaa weerar naf-hurnimo ah ka geystay magaalooyinka iyada oo ay shalay ugu dambeysay markii ay qarax ku dishay ku dhowaad 10 ruux.

Madaxda Soomaaliyeed ayaa lagu dhaliilay in wiiqitaanka Ururkaa xagjirka ah ay ka door-bideen siyaasada, inkasta oo Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni uu balanqaaday inay gacan bir ah ku qabaneyso xukuumadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM