Shirkii Dimuqraaddiga oo Philadelphia ka Furmey

Image

Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa shirkooda qaran oo afar maalin socon doona uga furmay magaalada bariga ku taalla ee Philadelphia, si ay u muujiyaan midnimo xisbiga dhexdiisa ah, kadib markii ay soo baxeen iimeylo la helay oo muujinaya in ay jirtey dibin daabyo loo geystay ololihii musharixii Hillary Clinton kula tartamayay xisbigaasi ee Bernie Sandres, iyadoo hoggaamiyayaasha xisbiga lagu eedeyay inay u xaglinayeen Clinton.

Stephanie Rawlings-Blake, duqa magaalada Baltimore, oo sidoo kale ah xog-hayaha guddiga qaran ee Dimuqraaddiga, ayaa shirka furey. Inta aanu billaaban shirka, ayaa Sanders, waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inay ka dambeeyaan Clinton, isagoo midnimo ku baaqay si ay uga adkaadaan Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga dhawaantan ay ayideen in uu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinnimada u matali doona bisha November ee sanadkan. 

Marwada koowaad ee Mareykanka Michelle Obama; senator Elezebeth Warren, iyo senator Bernie Sandres ayaa intoodaba ka ka mid ahaa dadkii ka hadlay furitaanka shir weynaha xisbiga Dimuqraaddiga, waxayna muujiyeen in Hillary ay tahay qofka ugu habboon ee Mareykanka hoggaamin kara. 

Waxay Trump ku eedeeyeen in uusan laheyn siyaasad sax ah oo muujineysa waxa waddanka lagu hoggaamin karo iyo sheegashooyinkiisa waxa uu qaban doono oo idil oo aanay daba joogin sida uu u qaban doono.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM