Sida fariimaha WhatsApp-ka uga akhrisan karto IPhone si qarsoodi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaki kuma jiro in WhatsApp-ka uu yahay mid kamid ah Aalaadaha fariimaha la isugu diro ee ugu caansan telafoonada caaqilka ah, balse waxaa jira hal walaac.

Walwalka ayaa ah in dadka qaarkii aaney dooneyn in fariinta u timaada hadii akhristeen ama in kale uu ogolaado qofka u soo diray.

App-ka WhatsApp-ka ayaa adeegsada "calaamad hubin ah" kuwaasoo ah nidaam ku tusinaya marka fariin laguu soo diro.

Calaamadaha ayaa ah saddex qeybood oo ka kooban midabyada cadaan iyo madow khaliif ah - Tusaale ahaan, marka kaliya ay tahay hal sax, waxay ka dhigan tahay in la diray fariinta. Marka ay labo saxiix noqoto macnuhu waa in la arkay, halka marka ay buluug isku bedalaan ay tahay in la akhristay.

Iyada oo ay tani tahay wax aad loo isticmaalo ayaa mararka qaar waxaa dhacda in fariin sugaha uu caroodo, sababta oo ah in loo diraha uu si ola kac ah isaga indha tiro jawaab celinta laga filanayo.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya qaabka ugu fudud oo aad ku akhrisan karto fariinta, adiga oo aadan ka walwaleen in soo diraha uu ku ogonaayo, balse waa in aad haystaa telafoonka iPhone-ka.

Waxaa jira illaa iyo saddex qaab oo loo sameyn karto arrintaan, hasayeeshee waxaa uu GO kusoo gudbinayaan qaabka ugu sahlan.

Waxa aad gelaysaa WhatsApp-ka, kadibna waxa aad kasii dooraneysaa "Settings", adiga oo xulanaya "Account" iyo "Privacy", intaasi kadib waxaad kasii dookhaneysaa iga xir ama "Switch Off Read Receipts".

Xusuusnow, haddii aad sidan sameyso, ma arki doontid risiidhada rasmiga ah fariimaha asxaabtaada kusoo direen, sidaa darteed ma ogaan kartid inay akhriyeen farriimahaaga - laakiin laga yaabo in ay tahay naxariis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM