Sidee u dhacay Caleema-saarka Uhuru Kenyatta? [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray in uu xallin doono kala qaybsanaanta ka dib markii xilka madaxwaynanimada loo dhaariyay markii labaad,xaflad ay qaadaceen mucaardka.

Khudbad uu jeediyay ka dib caleem saarka oo ka dhacday caasimadda Nairobi,waxa uu sheegay in uu la shaqayn doono qaar ka mid ah fikradaha mucaaradka iyada oo la eegayo wadajirka.

Balse meelo ka mid ah caasimada waxaa isku dhacay taageerayaasah mucaaradka iyo booliiska.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo qaadacay doorashadii ku celiska ahayd bishii aanu soo dhaafnay,ayaa ku tilmaamay xafladda "boqor isku caano shubay".

Mr Kenyatta ayaa dib loo doortay 26 October ,waxa uuna helay 98% codadkii la dhiibtay,doorasho ay u soo baxeen 39%.

Doorashadii la qabtay 8 August ayaa waxa waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamada ugu sareysa iyada oo loo cuskanayo wax isdba marin dhacday.

Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin banaanka la suray ka daawanayeen.

Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka.

Ciidammada Kenya ee kala duwan ayaa gaado ka ciyaar kusoo bandhigay goobta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa dhaariyay xaakimka sare David Maraga oo ahaa xaakimkii laalay natiijada doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto.

Daawadayaashii ku sugnaa fagaaraha Kasarani ee Nairobi ayaa waxaa lagu madadaalinayay heeso iyo qoob ka ciyaar,halka militariga ay gaado ka ciyaar soo bandhigeen.

Waa kuwee hogaamiyayaasha kale ee ka soo qaybgalay?

Raisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madaxwaynaha Rwandan Paul Kagame ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha Afrika ee ka soo qaybgalay xafladda caleema saarka.

Rai'sul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayay in uu soo gaaro Nairobi si uu uga qayb galo kulan ka dhici lahaa aqalka madaxtooyada ,waxaa sidaasi qortay jariirada Jerusalem Post.

Maxay ahayd sababta doorashada loogu celiyay?

Garsooraha maxkamada ugu sareysa Kenya David Maraga ayaa sheegay in doorashadii August aysan u dhicin "si waafaqsan dastuurka "waxa uuna ka soo qaaday natiijada waxba kama jiraan.

Mr Odinga ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka qaybqaadan doorashadii ku celiska ahayd. Odinga ayaa ku baaqayay in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in muranka doorashada ay si aad ah ugu kala qaybsameen shacabka Kenyanka. Ku dhawaad 50 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadaha dhacay Kenya tan iyo bishii August.

Mar sii horeysay ciidamada booliiska ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furay taageerayaasha Kenyatta oo isku dayayay in ay xoog ku galaan garoonka xili kuraastii ay ka buuxsantay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, isaga oo sheegay in isla maanta xaflad baroor diiq ah ay ku qabanayaan meel Nairobi ka mid ah, taas oo loogu murugoonayo dadkii ay Booliiska laayeen.

Related Articles

Daruuro Mugdi ah oo Dul Hoganaya Bariga Dhexe Kadib Xabbad-joojin Aan Adkeyn

Itamar Ben-Gvir, oo ah siyaasi xagjir ah, ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta…

  • Caalamka

    28-11-2024

  • 04:01AM

Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

  • Caalamka

    27-11-2024

  • 11:49AM