Soomaali ka carartay Mareykanka oo magangelyo weydiistay Canada

Image

WASHINGTON - Dalka Canada waxaa sanadihi la soo dhaafay galay muhaajiriin badan oo ka qaxay dalka Maraykanka, ka dib marki maamulka madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay sharciyadda dadka soogalootiga ah.

Dadkan oo Soomaaliya ay ku jiraan ayaa ka cararaya go'aankii Trump uu ku ballanqaaday in la masaafurinayo dadka sida sharci-darrada ah ku jooga Maraykanka, taasoo keentay in cabsi iyo hubanti la'aan soo wajahdo qaxootiga.

Soomaali badan oo qarkooda dhawaan galay Mareykanka, islamarkaana waayay sharciga markii Trump xukunka la wareegay sanadkii tagey, ayaa hadda u qaxaya Canada, iyagoo magangelyo weydiistay dowladda dalkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska 7 dal oo Muslim ah, kuwaasii qaxootigooda uu u diiday inay galaan Mareykanka, waxaana arinkan ay kala kulmeen qaxootiga ka tagey Soomaaliya dhibaatooyin badan.

Waxaa jiray dad badan oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay Mareykanka, oo Muqdisho laga soo dejiyay sanadkan, waxaana go'aanka Trump saameyn xooggan ku yeeshay mustaqbalka qaxooti badan oo nolol u raadsaday Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM