​Soomaali loo xiray weerarkii Edmonton

Image

Soomaali qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa loo soo xiray weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

30 sano jirkaan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa looga shakisan yahay inuu tooriyeeyay nin booliis ah uuna maalintii Sabitada dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhufay gaari xawaare sare ku socday kaddibna lagu weeraray mindi.

Ra'iisla wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku tilmaamay 'weerar argagixiso'.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo argagixiso iyo kuwa dil.

Saraakiishu waxa ay xaqiijiyeen in ninkan ay booliisku garanayeen.

Sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ee Canada, calan ay leeyihiin kooxda isugu yeerta dowladda islaamiga ee Daacish ayaa laga helay gaarigii lagu dhuftay askariga booliiska.

Askarigaan iyo gaarigiisa ayaa waxaa lagu dhuftay gaari yaalay banaanka hore ee garoonka lagu ciyaaro kubadda cagta ee Alberta Sabtidii.

Kaddibna waxa uu darawalku dhawr mar tooriyeeyay askariga, ka hore intii uusan baxsan.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM