Soomaaliya oo sabab u noqotay Khilaaf ka dhex-qarxay Kenya iyo Australia

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Khilaaf diblumaasiyadeed ayaa ka dhex-qarxay dowladaha Kenya iyo Australia kadib markii diyaarad laga leeyahay Australia, ay ku tilmaantay Garoonka diyaaradaha Kenya mid lamid ah Burcad Badeeda Soomaaliya.

Hadalka mas'uuliyiinta diyaarada ayaa ka dambeeyay markii todobaadkii hore lagu hor-gooyey diyaaradooda Baabuur iyadoo ka duuleysa garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi.

Shilkan oo yimid markii maamulka diyaaradda oo lagu magacaabo Qantas ay ka dhego adeygeen inay bixiyaan lacag dhan $18,000 oo ah Khidmad laga rabay, taasoo ah inay soo cago dhigteen Garoonka.

Diyaaradda ayaa lagu hor-jarey Gaari, loona diiday inay ka duusho Garoonka, illaa ay ka bixiso lacagta laga doonayo, taasoo keentay in mas'uuliyiinta Qantas ay ku tilmaamaan hab-dhaqankaasi mid lamid ah midka burcadbadeeda Soomaaliya.

Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Australia, Isaiya Kabira ayaa muujiyey sida uusan ugu farax-saneyn hadalka Mas'uuliyiinta Qantas iyo in garoonka ugu wayn dalkiisa lala barbardhigo Burcadbadeeda Soomaaliya.

Warqad uu u qoray Danjire Kabira dowladda Australia ayuu ku sheegay in Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) in aan lala barbardhigi karin handhaqanka Burcadbadeeda Soomaaliya.

"Inkastoo aad leedahay xuquuq aad ku muujin karto fekerkaaga, hadana waxaan nasiib daro u aragnaa inaad isla barbardhigto sawiradda burcad-badeednimada iyo garoonka aad loo qadariyo ee Nairobi," ayuu ku yiri war-qadiisa.

"Sidoo kale, waxaan dooneynaa inaan dareenkaaga uweecino inay jiraan Kumanaan kun oo Askar Kenyan ah, kuwaasoo utaagan inay nabad kusoo dabaal-laan Soomaaliya iyo Geeska Aduunka, iskana hilmaamay qarankooda si aan Afrika nabad uga dhigaan," ayuu ku daray.

"Meel kale oo caalamka ka tirsan waa nala barbardhigi kartaan, laakiin ma ahan Soomaaliya oo kale, Nairobi ma ahan Soomaaliya, maxaa yeelay halkaas waxaa maalin walba ka dhaca duulimaad aan wakhtiyeys-neen, sabatoo ah cilimadda," ayuu ku daray xili uu umuuqday Safiirka mid aad u careysan.

Qoraalkaan oo uu safiirka Kenya ufadhiya Australia udiray madaxda dalkaas ayaa waxaa islamarkiiba kasoo jawaabay maamulka diyaaradda Qantas, kuwaasoo raaligelin bixiyay, islamarkaana qirtay inay qalad ahaayeen wixii ay sameeyeen.

Jomo Kenyatta International Airport wuxuu kamid yahay garoomada ugu horumarsan Afrika, iyadoo Kenya ka xumaatay in lala barbardhigo Burcad-badeeda Soomaaliya iyo Jawaabta la siiyey ay u baahan tahay inay Soomaaliya ka barato Cashir badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM