​South Sudan oo nin ku eedaysan Tahriibinta Dadka ku wereejisay DFS

Image

Dowladda  Suudaanta Koonfureed ayaa xukuumadda Somalia ku soo wareejisay nin Somali ah oo lagu eedaynayo inuu ka mid ahaa horjogayaasha kooxaha  lacagta ka sameeya tahriibinta dadkaas kuwaasoo loogu yeero Magafe-yaal.

Safiirka Somalia u fadhiya South Sudan Xuseen Xaaji Axmed oo BBC la hadlayey ayaa xaqiijiyey qabashada eedaysanahan oo uu sheegay in muddo ay ku raad joogeen Ciidamada Booliiska Aduunka ee Interpol.

Safiirka ayaa sheegay in xiriir dhex maray Booliiska Intepol  iyo kuwo soo qabtay ka dib ninkan loo soo dhaadhiciyey magaalada Muqdishu oo xilligan uu ku xiran yahay.

Mar la waydiiyey cadaynta loo hayo danbiga lagu eedaynayo ninkan  iyo in arrintan ay ka danbayn karaan dad xafiiltan kala dhexeeyo ayaa Safiirku kaga jawaabay, ”Dowladda South Sudan cadaymo way keneen dadka degaanka ee Sudan jooga iyo Interpol -ka Yurub ku sugan intuba waxay soo bandhigeen cadaymo ku aadan inuu ahaa hogaamiyeyaasha tahriibiyeyaasha” Ayuu yiri danjire Xuseen Xaaji Axmed.

Mar wax laga weydiiyay sharciga loo cuskanayo eedaysanahay, maadama tahriibintu billaabatay bur-burkii dowladdii dhexe ee Somalia kadib, ayuu kaga jawaabay,  “Aniga sharciga waa la iga wacan yahay lakiin waxaan ogahay qof kasta oo qof Somali ah ama dad kele  si arxan darro ah u dila in aan loo waayeyn qodobo lagu ciqaabo xitaa haddii la tixraacyo sharciyadii lixdankii”.

Danjiraha ayaa tilmaamay haddii ninkan la sii daayo inay nasiib darro ay noqonayso ayna dhiirigelin u noqonayso kuwa falalkan ku hawlan isagoo intaas raaciyey inuu filayo in dhawaan Maxkamd la soo taagi doono.

Waraysigan inta uu socday laguma xusin magaca eedaysanahan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee dal kele uu Somalia.

Somalida ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee Yurub ka gala badda Mediterranean ee u dhaxaysa Talyaaniga, dalalka Liibiya iyo Masar waxaana safarkan halista badan ku dhintay kumanaan welina looma helin xal lagu joojinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM