​Suudaanta Koofureed oo diiday ciidamo dheeraad ah

Image

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kasoo horjeesatay ciidamo dheeraad ah oo loo diray waddankaasi, waxayna ku doodeen inay haystaan ciidamo ku filan amniga iyo kala dambaynta.

Safiirka Suudaanta Koofureed u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAd, James Pitia Morgan, oo hadalkaasi sheegay ayaa xusay in dalkooda uu madax banaanyahay islamarkaana aqbalikarin farogelin dheeraad ah.

Waxay sidoo kale kasoo horjeestay cunuqabatayn uu ku baaqay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon, kaasoo sheegay in waddankaasi la saaro xayiraad dhinaca hubka ah.

Shirka madaxda Afrika ee ka socda Kigali ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aamo arrintaasi la xiriira.

Dalalka qaar waxay ku talinayaan in ciidamada labada dhinac ee ishaya lakala fogeeyo, ciidammo nabad ilaalin ahna lakala dhex dhigo.

Colaaddan ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhex-taagan labada mas'uul ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka dowladda Koonfurta Sudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM