​Sweden: Weerar ka dhacay magaalada Malmo

Image

Booliiska magaalada Malmo ee dalka Sweden, ayaa ku waramaya inay baadi goob ugu jiraan koox burcad ah oo dil toogasho ah ka fulisay xarunta caanka ku ah ganacsiga iyo dhaqanka.

Waxay intaas raaciyeen inay falkan uga shakisan yihiin isku day dil.

Weerarka oo xalay dhacay, ayaa lagu dhaawacay 4 ruux oo mid kamid ah xaaladdiisu liidato.

Lama oga sababta loo dilay, balse waxaa la sheegay in muddooyinkii dambe Malmo ay ka dhacayeen weeraro la xiriira bucadnimo.

Kooxo gangis ah ayaa kusoo badanayay xarunta saddexaad ee ugu weyn waddanka Sweden islamarkaana dhacda Koonfurta.

Majirto ilaa hadda cid katirsan dowaldda oo ka hadashay weeraradan soo badanaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM