​Taliban oo hogaan cusub samaysatay

Image

Ururka Taliban ee ka dagaallama dalka Afghanistan, ayaa ku dhawaaqay ninka u badalaya hogaankooda dhawaan lagu dilay duqayn uu gaystay dalka Maraykanka taasoo ka dhacday magaalo ku taalla xadka ay la wadaagaan Pakistan.

Mawlawi Haibatullah Akhundzada, ayaa badalay hogaamiyihii hore kooxda Mullah Akhtar Mansour.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi, ayaa sheegay nin lagu magacaabo, Haibatullah Akhundzada, inuu yahay madaxa cusub ee ururka. Mullah Haibatullah, ayaa ahaa ku xigeenkii Mullah Mansour iyo madaxii hore ee garsoorka Taliban.

Ku xigeenada cusub, ayaa noqon doono, Sirajuddin Haqqani oo shabakadiisa lagu dhaliilay qaraxyo badan oo ka dhacay Kabul iyo Mohammad Yaqoob oo ah wiilka asaasihii Taliban, Mullah Omar.

Waa markii ugu horeysay ay Taliban qirto dhimashada Mullah Mansour.

Lama garankaro halka ururku u jihaysan doono, balse waxaa hubanti ahayd in kooxdo jaah wareer gashay markii la doortay hogaamiyaha la dilay.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda kooxdaasi, waxay sheegayaan inay weli khatar ku tahay Maraykanka iyo dalka Afghanistan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM