​Taliban oo sheegatay weerar ka dhacay Afghanistan

Image
Image
Image
Image
Image

Ururka Taliban ayaa sheegtay weerar culus oo lagu qaadey xarunta Maxkamadda sare ee dalka Afghanistan, oo ku taalla magaalada caasimada ah ee Kabul.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Afghanistan Najibullah Danish ayaa u sheegay AFP in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay weerarka oo lala eegtay shaqaalaha Maxkamada, oo xilligaasi goobta ka baxayay.

Dowladda Afghanistan ayaa xaqiijisay in 19 ruux ay ku dhimatay weerarka, sidoo kalena ay 42 kale ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan shaqaalaha Maxkamada sare ee la qarxiyay.

Ninka isqarxiyaha ah ayaa beegsaday shaqaalaha, oo fuuliaya gaadiidka, kana tagayay goobta shaqo, kuna sii jeeday Guryahooda, sida uu Afhayeenka sheegay.

Goobta at Taliban weerarka ka fulisay waxay ku dhawdahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kabul, iyo dhisamaha Safaaradda Mareykanka, oo amnigeed si aad ah loo adkeeyay.

Bishii lasoo dhaafay ugu yaraan 30 qof, oo shacab u badan ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xarunta baarlamaanka Afghanistan ee magaalada Kabul, waxaana mas'uuliyada weerarka sheegtay Taliban.

Dalka Afghanistan waxaa la degay dagaallo iyo amni darro wixii ka dambeeyay markii ay Reer Galbeedka ay weerarka ku qaadeen dalkaasi 2001, xilligaasi oo Taliban ay maamulayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM