Talyaaniga oo Lacag ugu deeqay dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Dowlada Talyaaniga ayaa Hal Milyan oo Yuuroo ugu deeqday dowladda Soomaaliya, kadib xaflad kooban oo ka dhacday  Muqdisho 28-kii bishii lasoo dhaafay ee May, taasoo uu ay goobjoog ahaayeen masuuliyihiin labada dhinac ka socday.

Bankiga horumarinta Qaaradda Afrika, oo kamid ahaa dadka lagu marti qaaday waxaa ka socday Albert Mafusire, oo wakiil ka ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Bankiga Afrika iyo Maareeyaha ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Nnenna Nwabufo.

Safiirka Talyaaniga ugu magacaaban Soomaaliya, Carlo Campanile, wasiirka cusub ee waaarada Howlaha guud ee Soomaaliya, Cabdi Fataax Maxamed Ibraahim ayaa sidoo kale munaasabadda lagu saxiixay lacagtaan xaadir ku ahaa.

San-duuqa Kaabashaasha Soomaaliya oo uu maamulo Bankiga Horumarinta Qaraada Afrika ayaa wuxuu ujeedkiisu yahay dib udhiska hay’addaha, dayactirka kaabayaasha muhiimka ah, iyo xoojinta maamulka dhaqaalaha dowladda.

In la xoojiyo nabadda, in la dhiso hay'adaha asaasiga ah ee dawlad, iyo in la dedejiyo dib u soo kabashada iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo horumarka, ayaa sidoo kale qeyb ka ah ujeedooyinka loo sameeyay San-duuqa Kaabayaasha Soomaaliya.

Danjire Campanile ayaa qiray dadaalada uu Bankiga ku maal-gelinayo kaabayaasha Soomaaliya, isagoona sheegay in muhiim ay tahay in la sameeyo qiimayn si Soomaaliya waxyaabaha ay ubaahan looga caawiyo.

Gaadiidka, tamarta, biyaha iyo fayadhowrka ayuu ku kala qeexay waxyaabaha ay sida wayn ugu baahan yihiin dadka iyo dowlada Soomaaliya.

Isagoo ku hadlayey magaciisa iyo kan dowlada Soomaaliya ayaa Wasiir Cabdi Fataax wuxuu balanqaaday inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono, isagoona balanqaaday inuu wada shaqayn fiican la yeelan doono Bankiga Horumarinta Afrika.

Dhankiisa, Albert Mafusire oo ku hadlayey magaciisa iyo kan Bankiga horumarinta Bariga Afrika iyo Xafiiska bixinta Ganacsiga ayaa wuxuu uga mahad-celiyay Talyaaniga taageerada uu ku xoojinayo kaabasha dalka iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Tani waxay Talyaanigu ka dhigeysaa inuu yahay midka labaad ee taageerada ugu badan siiyay Sanduuqa Kaabayaasha Soomaaliya, waxaana lacagta uu siiyay ay dhan tahay 3.2 Milyan oo Dollar Mareykanka, kaliya Bankiga Horumarinta Afrika ayaa ka badan oo 29.7 ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM