Texas: 20 Qof oo Ku Dhimatey Weerar Lagu Qaadey Kaniisad

Image

TEXAS- Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatey kadib markii nin hubeysan rasaas ku furey dad ku tukanaya Kaniisad ku taal gobolka Texas maalinimadii Axada, sidaas waxaa yiri saraakl ka tirsan Booliiska.

Booliska ayaa u xaqiijiyey saxaafada dadka dhintey isagoo sheegey iney Kaniisadaas ku taal degaan ka tirsan gobolka Texas oo la yiraahdo Wilson.

Ninka hubeysanaa oo dadkaan rasaasta ku firdhiyey ayaa wararku sheegayaan in la diley markaas kadib, isagoo weerarkaan ku qaadey Kaniisadaan 11:30 subaxnimo.

"Dhimashada iyo dhaawaca intaas waa ka badan karaan laakiin wararka hordhaca waxaa ay noo sheegaayan in dadka dhintey gaarayaan 20 qof halka dhaawacu noqonayo 20,25 qof," sidaas waxaa yiri nin goobta ku sugnaa oo la hadlay saxaafda gudaha.

50 qof ayaa ku sugnaa Kaniisada gudaheeda kuwasoo ay ku jireen Dumar iyo Caruur. Dadka dhintey ayaa waxaa kamid ah Caruur yar yar ah.

 

 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM