​Tirada dhimashada weerarka Baqdaad oo korodhay

Image

BAQDAAD- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax maanta xaafad Shiicadu ku badantahay oo ku taalla magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ka dhacey Booliska magaalo madaxda dalkaas waxay sheegeen in 93 qof ku dhimatey labo qarax.

Daryanka qarax ayaa ruxay suuqa oo ku yaalla xaafadda Sadr, xilli ay dadka shaqo tagayeen aroortii hore.

Qaraxa hore oo diley 64 qof dhaawaceyna 64 ayaa ka dhacey goob ay ku badan tahay gawaarida xaafada shiicada dagan tahay ee la yiraahdo Sadr, halka qarax kale ka dhacey bar kontrool xaafad ku taal galbeedka Baqdaad ee la yiraahdo Kadhimiya.

Mas'uuliyadda weerarkan, waxaa sheegatay kooxda Daacish, iyagoo xusay inuu fuliyeen naftood hurayaal ka tirsan ururkaan. 

Isbitaalada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in dhimashada ay kororto. 

Kooxda ISIS iyo ururada kale ee Suniyiinta ayaa inta badan weeraro argoosi ah ka gaysta magaalada Baqdaad halkaasoo ku badan yihiin Shiicada ka arrimisa dalkaas.

Ciidamada Ciraaq oo u badan Shicada ayaa dagaalo kula jira kooxaha Suniyiinta ah ee ka arrimiya inta badan Woqooyiga iyo Galbeedka dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM