​Tirada dhimashada weerarkii Munich oo korodhay

Image

MUNICH, Germany- Booliiska dalka Germany ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar xalay ka dhacay magaalada Munich  kasoo uu fuliyay nin la sheegay inuu  u dhashay waddanka Iran, balse muddo dheer ku noolaa magaaladaasi.

Tirada dhimashada ayaa markii hore ahayd lix qof, laakiin hadda Booliisku waxay xaqiijiyeen inay dhinteen ilaa 9 qof.

Waxaa ku dhaawacmay 16 qof oo saddex kamid ah xaaladooda caafimaad liidato.

Warar ku xeeran weerarkaasi ayaa sheegaya in ninka weerarkan fuliyay uu da'a ahaan jiray 18 qof, waxaana la wariyay inuu is-dilay, balse Booliisku waxay ku xuseen inay macquul tahay inay dileen ciidamadii goobta usoo gurmaday.

Weerarka ayaa ka dhacay xarun laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada Munich, waxaana ilaa hadd ala xaqiijin inuu qorshahaas ku lug lahaayeen kooxaha Argagixisada.

Mar sii horreysay ayay mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen in ay suurtagal tahay in ilaa saddex nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya kaddib markii usbuuc ii la soo dhaafay uu wiil dharw iyo toban jir ah oo toorey iyo masaar ku hubeysan uu weeraray dad rakaab ah oo saaran tareen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM