Tobannaan ku dhinteen qarax ka dhacay Baqdaad

Image

BAQDAAD- Gaari lagu soo rakibay walxaha qarxa ayaa suuq ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaal bariga Baqdaad ku dilay ugu yaraan 64 qof iyadoo 87 kalana ay ku dhaawacmeen, booliska Ciraaq iyo ila wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa sidaa sheegay. 

Weerrarka ayaa xilliga ay dadku shaqa tagaa ka dhacay xaafadda Shiicada ee Sadr ee magaalada. Ma ay jirto cid sheegatay in ay weerrarkaasi qaadday. Hasayeeshee Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ayaa si joogta ah waxa ay u bartilmaameedsata deegaanada Shiicada.

Kooxdan Sunniga ah ee maamusha dhul ballaaran oo koonfurta iyo galbeedka Ciraaq ah ayaa Muslimiinta Shiicada u arka inay yihiin mulxidiin ama gaalaba. 

Dhowr qof oo dhaawacmay ayaa la sheegayaa in ay xaalad halis ah. Qaraxa ayaa waxa uu waxyeeleeyay dhismooyinka iyo gawaaridii halkaa ka ag dhawaa sida ay saraakiishu sheegayaan.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa si joogta ah u bartilmaameedsata goobaha ganacsiga. Bishii Febraayo, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay laba qarax oo mataana ah oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaal xaafadda Sadr, weerrarkaas oo noqday kii ugu xumaa ee Baqdaad ka dhaca muddo bilooyin ah. 

Ciidammada Ciraaq ayaa la wareegay deegaano ay horay u haysan jirtay kooxda IS. 

Hasayeeshee kooxdu waxa ay sii waddaa in guud ahaan dalka ay ka gaysato weerraro ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhintaan.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM