Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla Mareykanka iyo wararkii u dambeeyay

Image
Image
Image

Ugu yaraan Sideed qof ayaa dhimatay, tiro kelana way ku dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday iskuul ku yaala gobolka Texas ee dalka Marekanka, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Weerarkaan oo dhacay subax-nimada maanta oo Jimco ah, xiliga Mareykanka, ayaa waxaa lagu qaaday Iskuulka Santa Fe High School, kaasoo 50KM dhanka Koonfur Beri uga beegan magaalada Houston, oo ka tirsan gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Qof looga shakisan yahay weerarkaan ayaa hadda lagu dhigay waxaana lagu xiray Saldhiga Booliska.

Ninka weerarka fuliyay ayaa ahaa Arday dhigta Iskuulka, sida uu sheegay Harris County Sheriff Ed Gonzalez, oo ah xafiiska ismaamul goboleedka Harris County oo Texas hoos yimaada.

Wuxuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarka uu kordhin karo. Warar ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro sarkaal boolis ah, kaasoo hadda la dhigay Isbitaalka wayn ee deegaanka.

“Ugu yaraan Sideed ilaa iyo Tobban oo Sideed kamid ah ay Arday yihiin iyo qaar shaqaalaha Iskuulka ayaa dhintay. Qof labaad oo isna dhacdadaan looga shikasan yahay ayaa la xiray, waxaana la weydiinayaa su'aallo,” ayuu yiri Gonzalez.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay weerarkaan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay iyo muragadiisa, wuxuuna ku tilmaamay weerar aad u fool-xun, isagoo tilmaamay in tani aanan sii socon Karin.

Ururka Arday ee Magaalada Parkland ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey weerarkan, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadka dhibaniyaasha ah ee wax kasoo gaarey toogashada ayna urajeynaynaa caafimaad ku dhaawacmay.

Waa weerarkii 3aad oo ka dhaca Iskuul ku yaalla dalka Mareykanka mudo 8 maalmood gudahooda, sida laga soo xigtay Saraakiil dhinac amaanka oo la hadlay Talefishinka CNN.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz

Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.

  • Caalamka

    23-04-2026

  • 01:46PM

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM