Toos Ula Soco: Diyaarad Masar leedahay oo la la'yahay

Image

Halkan kala soco warar toos ah:13:28 SGA: Madaxweynaha Faransiiska, Holland ayaa sheegay inay ogaan doonaan xaqiiqda wixii dhacay, wuxuuna sidoo kale yiri, "Waa inaan waxba la sii mala awaalin".

12:21 SGA: Qaar ka mid ah ehellada dadkii saarnaa diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay.

12:18 SGA: Weriyaha BBC ee arrimaha ammaanka Frank Gardner ayaa sheegay inay suuragal tahay in weerar argegixiso aan meesha laga saari karin marka laga hadlayo diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay.

12:15 SGA: Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa soo saartay warbixin ay diyaaradda la la'yahay ku tilmaantay mid soo dhacday, taas oo ah astaantii ugu horreysay ee muujinayso in laga yaabo in diyaaradda ay soo dhacday.

11:09 SGA: Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigtay hay'adda duulimaadyada ee Giriigga in diyaaradda la la'yahay ee EgyptAir ay ku dhacday badda koonfurta dalkaasi. Cid kale oo war noocaas sheegtay ma jirto ilaa haatan. 

11:07 SGA: Madaxweynaha Faransiiska, Francoise Hollande ayaa golahiisa wasiirrada la yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayo diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay. 

10:57 SGA: Ammaanka Gegida diyaaradaha ee Paris ee Charles de Gaulle ayaa la adkeeyay, iyadoo lais weydiinayo su'aasha ah waxa ku dhacay diyaaradda EgyptAir ee maqan ee ka duushay isla garoonkaasi.

HALKAN KALA SOCO WARARKA LA XIRIIRA DIYAARDAAN

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM