​Trump oo amar kale dul dhigay soo galootiga

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saraakiisha xuduudaha u sheegay in ay si taxadar leh u baaraan dadka galaya dalka, iyadoo uusan wali shaqaynaynin mamnuucitaaankii socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan "mid adag" ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii uu dhib dhaco.

Maalintii sabtida ayay maxkamadda Racfaanka faderalka waxay ku gacan seyrtay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Xanibaadan oo saameeyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah.

Taasi oo micnaheedu tahay in amarkii Trump hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimid go'anka ayaa kama dambays loo qabtay malinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u cambaareyay xaakimka James Roper tee oo is hortaagay go'ankiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rumeysan la'yahay in xaakim uu dalka gelin karo xaalad qatar ah waxa uuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM