Trump oo aqbalay casuumadda Erdogan

Image

ISTNBUL, Turkey - Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu aqbalay casuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah inuu dalkaas booqdo.

Ibrahim Kalin, oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga, ayaa kadib kulankii golaha wasiirada dalkaas ee Isniintii sheegay in Trump uu doonayo inuu safarkaas galo sanadda 2019, hase yeeshee weli aan waqti rasmi ah la goyn.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey casuumadda Trump uu Turkiga ku booqanayo 2019-ka, waxaana qoraal uu ku yiri “Inkasta oo weli wax rasmi ah la qorsheyn, madaxweynaha waxa uu diyaar u yahay kulan dhaca mustaqbalka”

Kalin ayaa sheegay in Erdogan uu casuumaddan fidiyey intii lagu guda jiray wada-hadal dhanka taleefonka ah oo labada madaxweyne dhex-maray dhammaadkii toddobaadkii tagey, kaasi oo oo ay uga wada hadleen bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Syria.

Trump ayaa axaddii qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Syria kadib wada-hadal dheer oo miro-dhal ahaa oo ay ku yeesheen taleefonka.

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM