Trump oo aqbalay inuu la kulmo Kim John Un [Fursad mise Khiyaano?]

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin.

Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Nuyuukleerka iyo tijaabada gantaalada.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.

Trump ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin horumar weyn oo soo kordhay, balse waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto. Kuuriyada Waqooyi wali wax war ah kama aysan soo saarin.

Dalkan ayaa muddo aad u dheer go'doon ka ahaa adduunka intiisa kale sababtuna tahay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo caddeymo badan laga hayo iyo horumarinta barnaamijka hubka nuyuukleerka.

Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.

Lama oga meel ay ku kulmayaan, balse waxaa loo malaynayaa in kulanka uu ka dhici karo aagga militariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya, ama Shiinaha.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM